Quantcast
Channel: CAAFIMAAD - Berbera News
Viewing all 121 articles
Browse latest View live

New clinic opens for people with neurological conditions in Somaliland

$
0
0

HARGEISA (Somalilandpress) A specialist clinic for people with Parkinson’s and other brain conditions, as well as debilitating diseases in nerves and muscles has opened in the Somaliland capital, Hargeisa.

Hargeisa Neurology Hospital is a joint investment between Dr. Essa Kayd, a chief neurodiagnostic specialist of Somaliland origin based in Boston, and Mohamed Guled, an International Business graduate also based in Boston.

The clinic has state of the art technology that was brought in from the United States and is the only of its kind in the whole region.

Located in Ahmed Dagah neighbourhood, not far from the Coca-Cola affiliated SPi warehouse in Hargeisa, the hospital is ideal for all patients with neurological conditions such as seizures; headaches; Parkinson’s disease, nerves, epilepsy and neuropathies.

The clinic currently employs four internationally renowned doctors from the U.S. and Pakistan. Dr. Kayd, who received his education in Ottawa University and Harvard Medical School is the led doctor. Kayd was the chief Neurodiagnostic at Brigham and Women’s Hospital Harvard Medical School in Boston for many years.

Before commissioning this hospital, Dr Kayd was running successful training courses for American physicians at Harvard Medical School and Brigham and Women’s Medical School. He also trained African doctors at the main hospital in Addis Ababa, where he was offered a lucrative job.

It was during his time in Addis Ababa that the doctor saw the need for such facility in Somali speaking regions.
He decided to team up with Mohamed Guled, who began his entrepreneurial career at a very young age opening a clothing retail store at the age of 16.<

After graduating from university with a degree in international business, Mr. Guled landed a lucrative job with the international business data provider, Thomson Reuters.

Mr. Guled has since opened businesses in the hospitality industry, transportation, health, media and grocery, most of them based in Boston.

Dr. Kayd and Mr. Guled ensure that the full assessment, treatment and care of all patients from the entire community in the Horn of Africa.

A specialist clinic for people with Parkinson’s and other brain conditions opens in Hargeisa, Somaliland

Both men left Africa at a young age and feel this is their way of giving back to people and place they love so dearly.
Mohamed Guled, who is also the CEO of Somalilandpress, sat down with the BBC Somali Services and their leading corespondent Ahmed Egge in Hargeisa. Below is the full interview regarding the clinic. For more information about the clinic please see the poster below.

Source: Somalilandpress.com


Dhakhaatiirta Imaaraadka oo Walaac ka Muujiyey Xayeysiisyo Internet-ka Lagu Baahiyey oo ku Saabsan Kalyo Iib ah

$
0
0

Caafimaadka-(Berberanews/Jamhuuriya)-Dhakhaatiirta caafimaadka ee waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa walaac weyn ka muujiyey xayeysiisyo baraha internetka lagu baahiyey oo lagu sheegay in la hayo kalyo iib ah.

 

Sida uu daabacay shalay wargeyska Gulf News ee Imaaraadka ka soo baxa, xayeysiisyada baraha internetka lagu baahiyey waxa ku qoran weedho ay ka mid yihiin; “Qaaligaygii kelyana u bukay, haddaad raadinayso keli degdeg ah oo laguugu deeqo fadlan la xidhiidh telefoon lambarkan…”

 

Haseyeeshee, wargeysku ma shaacin magaca qofka xayeysiinaya kelyaha dadka ee iibka ah, halka dhakhaatiirta kelyaha ee adduunku ay aad uga digeen khataraha caafimaad-darro iyo caqabadaha dhaqaale ee arrintaasi leedahay.

 

“Dhibaatada noocan ah waxay albaabka u furaysaa in xubnaha jidhka laga ganacsado, waayo dadka kelyuhu bukaan aad bay u fara badan yihiin, waxaanay arrintantani dabka ku qabanaysaa in kelyuhu noqdaan wax suuqa si caadi ah looga iibsan karo.” Sidaa waxa yidhi Dr. Sameh El Sayed oo ah khabiir ku takhasusay cudurrada kelyaha aadanaha.

 

“Macaanku waa ka ugu weyn ee sababa kelyo-xannuunka, dalka Imaraadkuna wuxuu hoggaanka u hayaa cudurka macaanka, sidaa darteed ka ganacsiga xubnaha dadka haddaan laga hortegin wuu sii badanayaa,” ayuu sii raaciyey Dr. Dr. Sameh El Sayed.

 

Ka ganacsiga xubnaha jidhka bani’aadamku waxay mamnuuc ka tahay guud ahaan waddanka Midowga Imaaraadka Carabta, iyagoo masuuliyiinta dalkaasina sheegay in tallaabo adag laga qaadi doona dadka xayeysiisyadaas baahiyey

Faa’iidooyinka Caafimaad ee Lagga Helo Geed ka Goji Berries!!!

$
0
0

Mukhtaar Cabdi Sheekh “Bulshaawi”

Caafimaadku, waa u Muhiim Qofka Bini’aadmiga ah, Bulshadda meel ku wadda nool, Deegaanka ay ku Nool yihiin, haddaan, intaas la helin waxa ay saamayn ku yeelaynaysaa dhamaan Bulshadda, Dadka, Deegaanka,iyo Waliba Duunyadda Goobtas ku wadda Dhaqan, Sidaas Darteed, waxa Sannaddadii u danbeeyay Soomaalida iyo dhulka Soomaalidu dagtaba ka soo baxay oo lagu arkaa Cuduro aan wakhtigii horre Soomaalida lagu arki jirin, ha yeeshe, Cudur walba oo Yimmadda waxa walba oo jirra ama dhibaato walba oo timaadda waxa loo helaa xal, Manta, waxa aan idin soo bandhigayaa Geed aad qaali u ah oo anfac u leh Dhamaan walalahayga Muslimiinta ah , inkastoonan Hubin in laga heli karro Goob walba lakiin wixii la raadiyo waa la helaa, midhihii la beertanna waa la gurtaa.

Qofku Caafimaadka qabaa waa ka u Caafimaad Qaba Jidh Ahaan iyo Maskax Ahaan ba, wixii Intaas ka soo hadha ayaa Xanuun lagu sheega ama inaanu Qofkaasi Caafimaad taam ah haysan.

Haddaba, Goji Berry, Waa Geed laga hello Wadamada Eshiya, asal ahaa waxa uu ka soo jeedda Waddan  ka China, waxa uu ka kooban yahay Furuutis fara badan iyo Nuyuutartion laga cunno dhamaan Aduunka,  waxa kale oo uu ka kooban yahay Amino Acids, Vitamin A,B,D,E minerals iyo borotiino.

Waxa Jirra Fa’iidooyin baddan oo laga hello geedkan, Waxa uu ka horta tagaa ama yareeya waxyaabo baddan oo immika dadka iyo Bulshadaba Dhibaato ku haya,  waana kuwan ee ila eegga.

Faa’iidoyinka laga Hello, Goji Berry.

  • Waxa uu kaa Cawinayaa  Dhiig karka iyo
Blood Pressure yarayntooda.
 
  • Wuxuu ka hortgaa Kansarka
  • Wuxuu ka hor tagaa Inuu lumo xadigga jidhkaagu ama misaankagu
  • Wuxuu ka qayb qaata Inaad habeenki hurdo wanasagn seexato
  • Awooda Wadnahagga
  • Inuu jidhkaagu ka hortaggo Cudurradda
  • Wuxuu taageero siiya Beerka
  • Wuxuu taageero siiya Kalyaha
  • Siddoo kale, Maskaxdda
  • Cufnaanta Muruqyadda iyo lafaha jidhka
  • Wuxuu Taageera Immune Respod ka
  • Kordhinta Energyga iyo Awoodda Qofka

 

 

Aduunka Dushisa maalin walba Malaayin Qof ayaa Iibsadda Geedkan Isagoo Dadyawga aduunku maalin ba maalinta ka danbaysa ay soo fahmayaan Fa’iidaooyinka Geedkan laga hello,  waxa uu ka hortagaa Cholestrol ka ,siddo kale, dhiig karka,  Dhiiga cad, White Blood ka, Bakteeriyadda, iyo infak shankaba, waxa ay Daawo u noqonaysaa qofkii Ilahay Daawo Sinaayo,  waxa kale oo uu ka hortagaa Sonkorta ama Macaanka qofba sidda uu u yaqaan.

 

Waxa Jirra Siyaabo loo isticmaalo ama loo cunno Geedkan Goji Berry, waxa aad warbixin baddan ka helaysaa sawirkan iskuna day inaad fahantid adoo si qoto dheer u fiirinaaya.

  • Quraacdda ka hor isku Qas koob Goji Berries ah iyo Malab iskanna Fixi biyaha ama Diiri, kadib, Cabaar ama woxooga kadib Cabo, oo Cun Quraacdii oo ku diyaar ah ama Cashadii.
  • Waxa aad siddan u isticmaali kartaa Wakhtiga Quraacda iyo Cashadda ka hor
  • Waxa loo bahan yahay Jimicsi inaad samayso ama aad Socod samayso,  waxa anna la cunaa caloosha oo madhan.
  • Waxa la helaa isagoo sharaab, Berry fruit, waxa uy sifeeya kaadida iyo kalyaha wana sharaab dhanaan, lakiin waxa aad u wanaagsan Goji berries.

Gabo, Gabaddi, Cafimaadka waa u muhiim Qof walba oo Nool, waxa jirra Cudduro baddan oo ku soo kordhaaya dhulkeena sidda, Dhiig karka, Beerka, Kalyaha, Macaanka, iyo kuwo aan dhulka Soomaalidda hore loogu arki jirrin oo immika lagu arko, si looga hor tago caafimaad xumo waa inaynu caafimaadka nafaheena ilaalino, inagoo kashanayna Illahay oo Caafimaadka Adoomadiisa ku arsaaqa kana Qaadda, Illahay Dhamaanteen ah inago dhigo Adoomadda uu ku arsaaqo Caafimaad Taam ah, Aamin

 

Tilmaan Iyo Tixraac

Waxa aan ka Cudur Daranayaa Inaanu Takhsuskaygu ahayn Caafimaad Sidaas Darteed, wixii Khalad Ah ee aad Walalayaal ku aragtaan Waa Naftayda Iyo Shaydaan ka, Booqo Website yaddan waxa aad ka heli maclumaad intan ka baddan.

http://gojiberry.com

http://www.webmd.com/balance/goji-berries-health-benefits-and-side-effects

http://www.youtube.com/watch?v=ORYDNsRFWDk

Waxa Wax Baddan Qoraalkan Iga Caawisay Walaashay Kawsar…………… Illahay Ajar iyo Xasanaad baddan haka siiyo Aamin Aamin .

 

Mukhtaar Cabdi Sheekh “Bulshaawi”

Mukho4me@hotmail.com

Urur ay ku midoobeen dhakhaatiirta dalalka Bariga Africa oo Madaxweyne-ku-xigeen u doortay mid ka mid ah dhakhaatiirta reer Somaliland ee wax ka barta jaamacada Kampala

$
0
0


Ishaka/Uganda (Berberanews) Maxamed Boobe oo ka mid ah dhakhaatiirta reer Somaliland ee wax ka barta jaamacada Kampala International University (KIU) ee dalka Uganda ayaa maanta Shir Shan maalmood ka Socday Magaalada Ishaka ee dalkaasi Loogu Doortay inuu u Noqdo Madaxwayne Ku Xigeen Urur ay ku midoobeen dhakhaatiirta dalalka Bariga Africa oo magaciisa la yidhaahdo Federation of East African Medical Student Association (FEAMSA.

Shirkaasi ayaa waxaa kasoo qayb galay dhakhaatiir waa wayn oo ka kala socday jaamacadaha dalalka la isku yidhaahdo bariga Africa ee ay ka mid ka yihiin Uganda, Kenya, Tanzania, Kongo, Brundi, Ruwanda iyo Koonfurta Suudaan, iyadoo intii shirku socdayna halkaasi lagusoo bandhigay khudbado dhaadheer oo ku saabsanaa sidii kor loogu qaadi lahaa xaalada caafimaad ee wadamada ka hooseeya saxaaraha Africa.

Dhakhaatiirta iyo macalimiinta waa wayn ee ka socday jaamacadaha shanta dal ayaa halkaasi kusoo bandhigay cilmi baadhisyadii ugu danbeeyay ee laga sameeyay aduunka iyo wadamada ka hooseeya saxaaraha Africa, iyadoo intii shirku socday halkaasi lagu bartay aqoon faro badan oo iskugu jirtay dhinacyo faro badan oo ay ka mid ahaayeen siyaabaha kala duduwan ee loo sameeyo cilmi baadhista la xidhiidha caafimaadka iyo arimaha bulshada.

 

Shirkan caalamiga ah ayaa intii uu socday waxaa kale oo cilmi baadhisyo ku saabsan dhamaan dhinacyada kala duduwan ee kaabayaasha dhaqaalaha iyo sidoo kor loogu qaadi lahaa kusoo bandhigay dhakhaatiir ka kala socday dalalka Europe iyo Asia oo ay ugu danbayntiina aad ula dhaceen dhamaan kasoo qaybgalayaashii.

Gebogabadii shirkaasi ayaa waxaa lagu doortay maamulkii hogaamin lahaa Labada sanadood ee soo socda halkaasi oo madaxwaynaha ururkaasi loogu doortay Dr. WARID oo ka socotay dhakhaatiirta dalka Kenya, Halka Maxamed Boobe oo ka mid ah dhakhaatiirta wax ka barta jaamacada KIU qaybteeda caafimaadka ee waqooyiga dalkaasina loogu doortay inuu noqdo madaxwayne ku xigeenka hogaamin doona ururkaasi ay ku midoobeen dhakhaatiirta dalalka Bariga Africa.

 Dr. Mohamed Boobe ayaa maruu la hadlayay kazoo qaybgalayaashii shirka ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “ururkan waxa uu u tagan yahay sidii la iskugu xidhi laha ardayda cafimadkaga ee bariga africa iyo sidii kor loogu qadi laha tayada cafimadka wadamada africa da bari. Wadamada subsaharn africa iyo asia marka la isku daro waxay matalan 85% hoyoyinka u dhinta uurka ama umusha- 85% of maternal mortality occurs in subsaharan africa and asia. Tirada dumarka cafimad xumo u dhimata sanadkii ee subsaharn africa waa 250, 000 oo hooyo. maha walal lambarka ad ku qortay kas ka bedel . 250000 pregnancy related maternal deaths in subsaharn africa per year. Ururka federation of east african medical student associations waxa uu honorory membership siiyay somaliland . imikana waxa samayntiisi lagu jira somaliland national medical student associations oo uu caawinayo ama advisor u yahay Mohamed Bobe. Mohamed bobe waxa kale oo uu aad ugu dedaalay in xubinttan ay somaliland ka hesho ururkan. waxaanay ururka FAEMSA soo dhaweeyeen xubin ka noqoshada somaliland.”
.”

Shirka ayaa waxaa kale oo ka qayb galay toban arday oo reer Somaliland ah oo lagasoo casuumay jaamacadaasi KIU xarunteeda magaalada Kampala ee culuumta arimaha bulshada iyo Shan Arday oo lagasoo Casuumay qaybta caafimaadka ee galbeedka dalkaasi oo dhamaantood dareen farxad leh ka muujiyay sida qiimaha badan ee loogu doortay xilka jagada madaxwayne ku xigeenka ururka ay ku midoobeen dhakhaatiirta bariga Africa ee marka magacooda lasoo gaabiyo loo qoro (FEAMSA).

 Shirkan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee ay iskugu yimaadaan dhakhaatiir ka kala socota dalalka bariga Africa iyadoo taariikhda bariga Afrikana  ka dhigaysa markii ugu horaysay ee dhakhaatiir reer Somaliland ahi ay ka mid noqdaan urur goboleed laga aqoonsan yahay Bariga Africa. Jagada loo doortay Dr. Mohamed Boobe ayaa ka dhigaysa mid sumcad dheeraad ah usoo kordhinaysa dalka Somaliland isla markaana  fursad u siinaysa inay dhakhaatiir Bariga Afrika ka socdaa Somaliland ka fikiraan sidii kor loogu qaadi lahaa heerka caafimaad ee ay taagan tahay.

Berberanews.com

info@berberanews.com

Marwada koowaad ee Somaliland oo shahaadooyin gudoon siisay 21 Umuliso oo tababar u xidhmay

$
0
0

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Sh.Maxamud Jirde ayaa maanta shahaadooyin gudoonsiisay kow iyo labaatan haween umulisooyin ah oo in mudo ah waxbarasho ku qaadanayay Jaamacada Hargaysa.
Hadal ay munaasibadaasi ka jeedisay Marwada Madaxweynuhu waxa ay tilmaantay dareenkeeda ku aadan aqoonta umulisa-nimo,maadaama hooyadu tahay wershada wax soo saar ,waxaanay kula dardaarantay xubnaha haweenka ah ee dhamaystay Waxbarashada Caafimaadka hooyada iyo dhalaanka ee Umuliso-nimo inay ku dabaqaan hawlahooda shaqo isla markaana ay uga faa’iideeyaan haweenka kale ee aan aqoon xirfaddan.
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr Xuseen Muxumed Maxamud “Xuseen Xoog” ayaa ku bogaadiyay hay’ada TEHT,doorka ay ku lahayd hirgelinta soo saarida haween aqoon u leh umuliso-nimada.
Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Mudane Cali Yuusuf Axmed ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan cid kasta oo wax ka qabanaysa hawlaha adeega caafimaad gaar ahaan umulisooyinka oo uu xusay inay kaalin weyn ku leeyihiin nolosha mujtamaca,isagoo intaas ku daray in loo baahan yahay sidii mar walba loo sii kobcin lahaa aqoonta waxbarasho ee haweenka xirfadan ku adeega ,waxaa kale oo uu u mahad celiyay Drs Edna Aadan Ismaaciil oo door mug leh ku lahayd Waxbarashada haweenkan .
Waxaa kale oo Madashaasi ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada Hargaysa.

Berberanews.com

info@berberanews.com

Xannuunka Kansarka oo faro-baas ku haya dalka Kenya.Video

1.3 million children in Eastern Europe and Central Asia are separated from their biological families

Waa sidee xaaladda Caafimaad ee Hoggaamiyihii Xoriyadda Koonfur-Afrika Nelson Mandella?

$
0
0

Pretoria-(Berberanews)-Dawladda Koonfur Africa ayaa ka hadashay xaaladda Caafimaad ee Aabihii xoriyadda South Afrika iyo la-dagaallanka Midab-takoorka Nelson Mandella oo sabtidii todobaadkan la dhigay Cusbitaal milaterigu ku leeyahay duleedka caasimadda Pretoria.
Afhayeen u hadlay Madaxtooyadda Dawladda Koonfur-afrika, ayaa sheegay in cusbitaalku la tacalaayo xannuun sambabada kaga dhacay hoggaamiyihii ugu horreeyay ee Xisbiga ANC Mandela oo da’diisu 94 jir tahay.
Warku wuxuu intaa ku daray in baadhitaan cusbitaalku ku sammeeyay Mandela lagu xaqiijiyay xaalad caafimaad-daro oo ka ka haysata sambabada, lana siiyay daawooyin.
Saxaafadda iyo rayul-caamka Koonfur-afrika, ayaa cabasho ka muujinaya inaanay helin macluumaad dheeraada oo la xidhiidha xaaladda Mandela iyo sababta dawladu u geysay Cusbitaalka Milateri.
In ka badan 50 million oo ku nool wadankaaas, ayaa ka wer wersan Xaaladda caafimaad darro ee la soo deristay Nelson Mandella oo ahaa madaxweynihii u horreeyay ee si dimuqraadiya ay u doortaan, kaasoo baabi’iyay kala-qaybsanaantii bulshada dhextaalay.
Nelson Mandela waxa dhawr jeer soo wajahday noloshiisa xaalado caafimaad daro; waxaa ku dhacay xannuunka qaaxadda mudadii badnayd ee uu ku jiray Jeelka iyo qalliin qandhig lagaga sammeeyay 1986. Sanadkii 2001, Mandela waxa lagu sammeeyay laysar todobaad lagaga daweeyay xannuunka Kansarka oo lagu guulaystay.
Mandela waxa uu horseed ka noqday halgankii la-dagaallamay Midab-takoorkii caddaanka ahaa ee haystay Koonfur-afrika, waxaannu ku guulaystay dib u heshiisiin qaran markii uu xabsiga ka soo baxay 1990 ka dib muddo 27 sano ah oo uu xabsiga ku jiray.

Berberanews.com
Info@berberanews.com


Xaaladaha Qalafsan ee ay ku sugan yihiin Dadka Qaba Xannuunada Dhimirka iyo Dhoy-la’aanta Wasaaradda Caafimaadka

$
0
0

Warbixin: Wariye Cabdifataax Ismaaciil Caarshe, Hargeysa

Qaar ka mid ah Dadka Maskaxda ka Buka ee ka mid ah muwaadiniinta bulshada Reer Somaliland, ayaa waxa soo food saartay Xaalad adag oo  daryeel’aan nololeed ah, kuwaas oo aan helin daryeelkii Caafimaad ee ay u baahnaayeen iyo  Wasaaraddii Caafimaadka ee Masuuliyadeedu ahayd inay ka shaqayso daryeelka Caafimaadkooda siday u ilawday Masuuliyadii ay Qaranka u haysay ayaan akhristayaal maqalkaygan idinku soo gudbinayaa.  Shalay markii salaada subaxnimo laga soo baxay ayaan isku deyay sidii aan dabagal ugu samayn lahaa xaalada ay ku nool yihiin Dadka Maskaxda ka Buka oo Illahay Miyirkoodii ka qaaday, kuwaas oo is-kugu Jira Ragg waawayn, Dhalinyaro iyo Dumar Hooyooyin ah. Masjidka Mastajaamaca ayaan ka bilaabay hawshaydii Xilligaas, Markii laga soo baxay Salaada Subax ayaan Masaajidka uga soo baxay dhinaca jahada hawdka ee hudheeladu kaga soo jeedaan masaajidka kadib markii aan dibada uga soo baxay ayaan dhinacyada eeg-eegay ayaa kabad igu xigta oo dhinaca Istaanka Burco ee Magaalada Hargeysa igaxigta ayaan arkay Nin Jiifa oo aan ku qiyaasay ilaa 35-36 oo jeex-yar oo qayda dusha is ka saaray oo uu intaas Madaxa is-kaga duubay wax maraana ku jiifin, aniga oo aad uga murugooday mar xalada uu ku nool yahay ayaan dhinacisii laba talaabo u dhaqaaqay ayaan haddana arkay afar Qof oo dhiniciisa shishe Jiifa. Intaan hore ugu socday ayaan is dultaagay, kuwaas oo kala ahaa Nin Maskaxda kabuka iyo saddex  ka mid ah Carruurta yar-yar ee Darbijiifka ah.

Haddii aan eegay ayaan waxaan arkay dhaxantii, qabowgi, dheelkiii xalay oo dhan dhacaayay inay haysan waxay ka hawadaan iyo waxay ka gog-ladaan, waxa kale oo ku soo da’aysay dheelka  Jiigada Masaajidku samaysay. Marka aad arragto muuqaalkooda iyo Nolosha ay kujireen ayaa ahayd  mid argagax leh  oo qofkii bin’aadam ah u adkaysanayn,taas oo aad is odhanaysid waxa u dhaanta geerida, iyaguse way hurdaan oo halkan ayaabay nasteexo bideen. Ka dib markii aan taagnaa ilaa 10 daqiiqo ayaan u dhaqaayay xagga labada Hudheel ee Masaajidka dhinaca Jajabka ee ka soo eegaaya jahada waqooyiga. Dabadeed markii aan tagay Hudheelka mid ka mid ah waxaana kuraasta Hudheelka shaah iyo Quraax ka cunaayey ragg aan ku qiyaasay ilaa 7 Nin markii aan sidaas u fadhiistay ayaa waxa isa-soo taagay Nin Xannuunsanaaya, kaas oo ay ka muuqatay gaajo,darxumo, rafaad iyo itaal darada ka muuqatay Oogada dhijkiisa  oo xalay oo dhan waxa ku dhacaysay dhaxanta daran ee ka dhacaysa Magaalada Hargeysa, markii uu isa-soo hortaagay raggiika quraacanayey Hudheelka ayaa waxa sidaas gacanta ugu riixag Inan dhalinyaro ah oo Hudheelka ka shaqaynaayey. “Waa waxani halkee ayuu ku soo socdaa naga joog oo dib nooga noqo.” Niman makhayada shah ka cabaayey oo qaar ka mid ah markii uu ka tagiwaayey Ninkii bukay oo hoosta eegayaa islana hadlaaya. “adeer malaa wuu gajoonayaa ee ka tagimaayo ee fujaan Shaaha sii aniga ayaa ku siinaaye. Waar kursigaas fadhiiso ha laguu keene.”. Hase yeeshe waxa dhagahayga ku soo dhacaayey dadka Hudheelka iyo makhaayada is ku jira Shaaha iyo quraacda ka cunaayey ay waji naxariisa tusin oo uu ka helin wax caawimaha iyo naxariisyarna. Markii uu koobkii Qaxwaha ahaa laacay ayuu sideg-deg ah ugu kicitimay dhinaca Jajabka ee Dooxa Magaalada Hargeysa. Inkasta oo aan dib ugu soo laabtay Masaajidka Mustajaamaca ee Magaalada Hargeysa abaare 09:43 habeenimo waxyaba u muuqatay in masaajid dhiniciisa jahada Hawdka ay noqotay goob ay is-kugu yimadaan Dadka ka jiraman Maskaxda iyo Carruurta yar-yar ee darba jiifka ah oo xilliga habeenkii amaan soo bida halkaas oo kabadana tiradii aan saaka ku arkay. Mid walba waxa uu masaajidka hoostiisa dhiganayaa Kartoonyar, Bacyar ama marayar oo uu meelahaas ka soo qaatay. Waxay indhahaygu qabanayeen Dadka shicib ah oo laamiga marayay kuwaas oo eegaayey Dadkan uu xannuunku haleelay iyo Carruurta yar-yar ee dushooda ay ka muuqato muuqaalka naxdin leh, balse waxay sii wataan socdaalkooda oo cid u gar-gaaraysaa majirto oo dhaxantan Magaaladda Hargeysa ka dhacaysa hooy ka siisa anay helin waxayna wahel u u yihiin hooy la’aanta iyo dhaxanta daran ee dhacaysa.

Halkaygii ayaan ka sii watay hawshii waxaana tagay Dooxa Magaalada Hargeysa ee Biriishka hoostiisa iyo Jajabka dabadiisa oo uu maro Dooxa Hargeysa abaare 08:00 barqanimo Xilligaas oo aan meelahaas ku arkayay Xashiish badan oo lagu qubay, waxa dhex-fadhiyey saddex Nin oo ka buka Maskaxda halka mid uu ahaa Inan dhalinyaro ah, kuwaas oo xashiishka buux dhaafiyay Dooxa Magaalada Hargeysa ku dhex-silaacaya iyo darxumada ka muuqatay iyo nolosha adag ee ay ku nool yihiin ayaa ahayd mid argagax ah. Waxaana ku soo noq-noqonaayey muddo Afar cesha ah meelo kala duwan oo ka mid ah Dooxa. Wakhtiyadaas kala duwan ee aan tagayay waxaan maalin walba aan ku arkaa qaar cusub oo aan ahayn ku wii hore, kana tiro badan iyo Carruur yar-yar oo xabag ku cabaaysa, isaga oo Dooxa Magaalada Hargeysa isu-badelay meel ay ku dhex-nool yihiin Dadka Maskaxda ka jiraban iyo Carruurta yar-yar ee darbijiifka ah ku silcayaan gidaaraada  dhaxantu ku garacayso ee ku talabaysan, balse waxay u noqotay goob ay wakhtiga isku dhaafiyaan oo ay is ku maaweeliyaan siday u xasuusan noloshan darxumada ah ee ay ku nool yihiin. Intaas aan ku sugnaa waxaan dareemaayay jidhidhoco iyo naxdin ku habsatay noloshayda. Waxaana is waydiinaayey Dadkani miyay ka mid ahayn muwaadiniinta Somaliland u dhalatay maxay Xukuumadu wax ugu qaban wayday.?

Muddo todoba cesho ahayd ayaan tagaayey maalinkasta Jidaadka iyo waddooyinka waawayn ee hal-bawlaha u ah Caasimada Hargeysa, waxay Indhahaagu ku dhacayaan Dadka tirada badan ee Maskaxda ka buka ee is-kugu jira ragg iyo Dumar Hooyooyin ah oo ku darxumsan badhtamaha Suuqa iyo dhinacyada waddooyinka Waawayn ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, taas oo Haweenka Xannuunka Dhimirku haleelay waxa xannunkaas ugu siidarma dhibaatooyin kale oo loo gaysto Noloshooda, isla markaana Hooyo ka bugta Maskaxda ayaa gabalku marka uu dhaco waxay abni ahaan u timaadaa Xarunta mujaahidiinta ee Soyaal horteeda oo ah dibada halkaas oo habeenkii oo dhan dhaxantu ku garacayso. halka Hooyo kale oo Saldhiga dhexe ee Hargeysa ayaa iyaduna xilliga 08:35 waxay habeen walba timadaa hortiisa, iyada oo ka baqaysa inay waxyaabo dhiba ay soo gadhaan nafteeda, halka markii danbe Askartu ay gudaha deerka u ogoladee. Hooyooyinka la dalaadhacaaya xannuunka Maskaxda ayaa bulshada kala kulmaan dacadiyo farabadan loo gaysanaayo Xididkeeda taranka, iyaga oo aan wax daryeela ka helin bulshada ay ku dhex-nool yihiin.

Markii aan arkay xaalada adag ee ay ku nool yihiin Dadkan uu haleelay Xannuunka Dhimirka ah eek u darxumaysan jidadka Magaalada ayaan wax ka waydiiyay Agaasimaha Qaybta Dhimirka ee Cisbitaalka guud ee Magalad Hargeysa Dr. Mustafe Xuseen Xirsi, isaga oo arrintaas ka hadlaaayana waxa uu yidhi.“Maanta waxaanu marayna 998 bukaana oo dibadda dawooyinka ku qaata. Lakiin waxa jirta xaalad adag oo anagu aan awood umahayno, dhaqaalana u hayn oo ah Dadka dayacan ee dhex-meeraysanaaya Magaalada gudaheeda. Waxa loo baahan yahay in la sameeyo Cisbitaal wayn oo lagu daweeyo ama lagu daryeelo Dadkaas Maskaxda ka buka ee tabalaysan ee suuqa daadsan in lagu uruuriyo, kadibna loo sameeyo meel xirfado lagu baro hadhawna ay ku shaqo tagaan. Cidda nacawisaa waa Haween waynaha Somaliland ee Nasteexo oo shahii maalmahan laga cadayn jiray oo madaw ka ahaa, markii aanu ka dalabnay ay nookeneen. Cisbitaalka waxa immika ku jira 4o ragga iyo 20 Dumara. Cisbitaalkeenan Dhimirka ee Hargeysa waxa uu qadaa 40 Ragga iyo 20 Dumar ah oo waxa badan bukaan socodka. Waxaana loo baahan yahay in gude iyo dibad-ba looga kaco.”

Waxa kale oo aan Qaybta Cisbitaalka Dhimirka gudihiisa ku booqday Dad uu haleelay Xannuunka Maskaxda oo halkaas ku jiray iyo qaar ka baxay immika oo Dawooyinka u soo doonta Cisbitaalka iyaga oo aan cidba waddin. Hooyo hore ugu jirtay Qaybta Cisbitaalka ee Dhimirka oo markii ay ladnaatay ka baxday Dawooyinkana ku qaadata dibadda ayaan wax ka waydiiyay Xaalada Caafimaadkeeda sida uu yahay. “Markii halkan laykeenay waxba maan-kala garanay, lakiinse markaan u tagay Carruurtaydii ee igu yidhaahdeen 2 sanno ayaad naga maqnayd. waan yaabay, waxaana garan waayey halka aan labadaas Sanno aan jiray oo sidaan ahaa magaranaayo oo waxay igu noqotay yaab. Immika aad ayaan u fiican nahay oo aniga ayaa dhakhtarka dawooyinka u soo doonta.”

Sikastaba ahaatee Qaybta Dhimirka ee Cisbitaalka  Guud ee Magaalada Hargeysa, ayaa xaalad adag ka muuqatay iyo mid baahiyo badan ka jirtay hadday tahay Dawooyinka, Biyaha iyo Cuntadaba, iyada oo Dad aad u jilicsan oo u baahan in lala soo gaadho caawin deg-deg ah ay kujiraan Cisbitaalka qaybta dhimirka, halka qaarnka kalena ay ku silcayaan jidadka waawayn ee Magaalada hargeysa.

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa Masuuliyad ka saran tahay Caafimaadka Bulshada kala duwan ee guud ahaan Dalka ku nool, halka maanta ay ugu liitaan dadka jilicsan. Hase yeeshe Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Md. Xuseen Xoog iyo hawl-wadeenada Caafimaadka ayaa ka gaabiyey inay gacan buuxda ka gaystaan Dadka Xannuunsanaaya ee k u tabaalaysan Jidadka Caasimada, kuwaas oo aan helin daryeelkii Caafimaad ee ay u baahnaayeen. Halka Ha’yaddaha Wasaaradda Caafimaadka hoos yimaadda ay boqolaal Dollar ku bixiyaan waxyaalo yar-yar oo aan wax badan soo kordhin, taas oo Siminaaro yar-yar ku qarash-gareeya lacag Xadibadan ama Xannuuno sidaas Dalkeena ugu badnayn oo dhibaato muuqata ku hayn iyo Ha’yaddihii oo ku mash-quulsan maanta wax yaabo kale, halka Qaybaha Cisbitaalka ee kala duwan uu ugu hooseeyo Qaybta Cisbitalka Dhimirka, kaas oo wax Ha’yadda oo ka shaqaysaa anay jirin ama Ha’yad  Caawisa Dadka Xannuunsanaaya ee Dhimirka ee Habeenkii Dhaxanta iyo qabowga daran ku hayo Gidaarada iyo Jidadka waaweyn ee Caasimadda Hargeysa, isla markaana Wasaaradda Caafimaadka ayaa ku guuldaraysatay inay Gurri u dhisto lagu xannaaneeyo Bukaanka ku darxumaysan waddooyinka. Xilliga Wasiirka Caafimaadka iyo Madaxda kale ee Caafimaadka looga yeedho labada Gole kama hadlaan oo waxay ka hadlaan baahiyaha kale, sida Cudurka Dabaysha ama Jadeecada.

 Dhinaca kale Madaxweynaha Bulshada qaybaheeda kala duwan ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), iyo is ku soo wada-duuboo laamaha kala duwan ee Xukuumada Silaanyo ayaa mar kaliya ka hadlin xaalada adag ee baahida, Dayaca iyo daryeel la’aanta haysata Dadka  Xannunsanaya Dhimirka oo wakhtigan isa soo taraaya iyo Dadka ku tabaalaysan Jidadka Waawayn ee Hargeysa, kuwaas oo Dawladoodii ka helin daryeel Caafimaad oo la ilaaway xaquuqdii ay xukuumada ku lahayeen. Halka Madaxweyne Silaanyo iyo Wasiiradiisu inta badan ay ka hadlaan waxyalaha ay qabtaan ama shaqo la’aanta haysata dhalinyarada.

Waxa kale oo muwaadiniintan ku tabalaysan jidadka ee ay haysato hooy la’aanta ayaa markaliya ka hadal xaalada Caafimaad ee Dadka ka buka Maskaxda ee ku darxumaysan badhtahama suuqyada waawayn ee Caasimada Mudanayaasha labada Gole, kuwaas oo aan haysan xildhibaan u hadla Xaquuqdii Bini’aadam ee Dadka jilicsan sidii guri loogu dhisilahaa lagu daryeelo Caafimaadkooda. Xisbiyada Mucaaradka ah ayaa iyaguna ka hadlin xaalada dadkan xannuunsanaaya eek u darxumaysan badhtamaha suuqyada waawayn ee Caasimada, kuwaas oo xilliyada ay ololaha kujiraan neefaf Adhiya ugu keena Qaar ka mid ah Dadka xanuunsanaaya ee Xilligaas laguhayo Qaybta Cisbitaalka Dhimirka, iyaga oo Dadwaynaha cod kagadoonaaya, halka ay  mar danbe dib ugu soo noqon. Sidoo kale waxay caawimo ka waayeen Ganacsatada Somaliland sidii loogu dhisilahaa goob lagu daryeelo Caafimaadkooda oo ay maanta u baahan yihiin cid hooy u dhista ay dhaxanta ka galaan.

Tobabar lagaga arrainsanayo qaabka tallaalka Jooniska loo gaadhsiin karo Somaliland iyo Somalia oo Hargeysa ka furmay

$
0
0

12-Feb-2012-Hargeysa(Berberanews)- Hawlwadeeno caafimaad oo ka kala socda Somaliland iyo dalka Somalia ayaa maanta aqoon is weydaarsi socon doona muddo 10 cisho ah waxa uu uga furmay caasimadda Somaliland ee Hargaysa.
Aqoon is weydaarsigan oo uu furay Wasiirka Caafimaadka Somaliland Md. Xuseen Muxumud Maxamuud (X Xoog) ayaa inta uu socdo waxa lagu gorfayn doonaa sidii bulshada labada Dal loo gaadhsiin lahaa talaalka dhamaystiran ee Cudurka Jooniska.

Hawlwadeeno ka kala socday hay’adaha UNICEF iyo WHO ayaa kula dardaarmay ka soo qayb galayaasha inay bulshadooda uga faa’iideeyaan waxii ay halkan ka korodhsadaan, iyagoo ku tilmaamay inay tahay arin muhiimad weyn u leh dadweynaha isticmaalka talaalka cudurka Jooniska oo faro ba’an ku haya umadda.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Md Xuseen Muxumud Maxamuud (Xuseen Xoog) oo kulanka hadal ka jeediyey ayaa tibaaxay inay fursad weyn u tahay deegaanda ay Soomaalidu degto in la helo talaalka Cudurka jooniska, waxana uu ku dhiirrigeliyey hawlwadeenada caafimaad ee kulanka ka qayb gelaya inay si qoto dheer uga faa’iidaystaan aqoonta iyo farsamada uu u baahan yahay talaalka noocan ah.

Berberanews.com
info@berberanews.com

Guddida Heer Qaran ee Xakamaynta Xanuunka HIV/AIDS oo Madaxtooyada Hor dhigay Warbixin Sanadeedkoodii

$
0
0

Hargeysa-(Berberanews)-Guddida heer qaran ee la dagaalanka iyo xakamaynta cudurka HIV/AIDS ayaa shalay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi ISmaaciil (Saylici) uga xog warramay heerka uu dalka ka marayo xanuunkaasi iyo sida ay qaran ahaan ugu dadaalaan faafitaankiisa.

DSC01359

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo Shalay Xafiiskiisa  ku qaabilay Komishanka la dagaalanka  Cudurka AIDS-ka oo ay weheliyaan guddida heer qaran ee xakamaynta Cudurkaasi iyo Weliba Masuuliyiin ka socotay Hay’ada UNDP waxa  ka soo qayb galay Wasiirrada Caafimaadka, Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen-Xoog), Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Marwo Samsam Cabdi Aadan, Warfaafinta iyo Wacyigelinta Abiib Diiriye Nuur (Abiib-Timocad) iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed.  Guddidan oo Sanadkiiba laba jeer Kulan la yeesha Madaxweynaha Somaliland isla markaana uga xog warrama halka uu cudurkaasi marayo,  waxaa wejigiisii koowaad ee sanadkan 2013-ka Furitaankii Kulankaas  hadal ka jeediyey  Xoghayaha Fulinta ee SOLNAC Dr. Maxamed Daahir Kheyre, waxaanu yidhi, “HIV/AIDS waa xanuun qarsoon oo haddana dadka ku fidaya, markii ugu horeysay ee la ogaado inuu dalka ka jirana waxa ay ahayd sanadkii 1992-kii oo qofkii ugu horeeyey ee laga baadhayee laga helayna waxa uu ahaa nin Mujaahid ah alla ha u naxariistee hadda wuu dhintee. Cusbitaalkii  bisha cas ee ku yaallay magaaladda Berbera ayaanu ahaa halkii lagu ogaaday, oo qolada haysatay maamulka waqtigaasi waxa ay haysteen qalabka wax lagu baadho dabadeed Inankii shaybaadhka ayaa anigoo ka mid ahaa guddi caafimaad oo markaa xog ururin ka wadday cusbitaalku waxa  aan ku idhi, dadka laguu soo gudbiyey ee  laga baadhayo xanuunnada galmada lagu kala qaado waxa kale oo aad ka baadhaa cudur la yidhaa HIV, kadib ninkaa (Mujaahidka) loo soo gudbiyey oo  markii horeba qabay xanuunnada galmada ayaa la baadhay oo laga helay HIV”, sidaa ayuu yidhi Xog hayaha fulinta ee Komishanka Xakamaynta Xanuunka HIV/AIDS Dr. Maxamed Daahir Kheyre, waxaanu intaa ku daray “Markaa waqtigaas waan la dagaalannay xanuunkaas, guud ahaanna inagga qaabka uu innagu soo galaa ee la isugu gudbiyaa waa  galmada midda xalaasha ah iyo midda kaleba, Mida xalaasha ah waxaan uga jeedaa qofka xaaska lihi haddiii uu qabo xanuunkaa ama uu yahay nin dirawal ah oo Itoobiya galmo kasoo sameeyey haddii uu ooriddiisa xalaasha ahayd qaadsiiyey sidaas ayuu xanuunku ku fidayaa”.

Cover and Newspaper Pic

Dr. Maxamed Daahir Kheyre, Xoghayaha fulinta ee SOLNAC, waxaa uu Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddida kale ee Kulanka goob joogga ka ahaydba Shax ahaan u  tusay sida uu sanadba sanadka ka dembeeya ugu sii faafayo dalka xanuunka AIDS-ku, isaga oo tusaale u soo qaatay sanadkii 1999-kii, 2004-dii iyo 2007-dii oo Komishanka SOLNAC, Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adda WHO ay si wada jir ah Xog ururin ay sameeyeen ku ogaadeen korodhka AIDS-ka ee bulshada,  “ annagu waxaanu xoogga saarnay oo aanu baadhitaano ka bilownay xarumaha hooyadda iyo dhallaanka (MCH) oo dumarka uurka leh ayaanu xataa ka baadhnay, Gabadha uurka lihi ee la qabo waa qofka ugu fog ee looga shakiyo inuu qaado xanuunka, annaguna aad baanu isugu taxallujinay” ayuu raaciyey hadalkiisa Dr. Kheyre,  waxaanu  xog warrankiisa ku ladhay in Tusaale ahaan sanadkii 1999-kii uu cudurka faafitaankiisu ahaa 0.1%, halka uu markii dembe gaadhay illaa 12.3%, iyadoo qaabka ugu badan ee uu ku faafay tahay galmada labada qof  sameeyaan.

Tababar la Xidhiidha Doorka Warbaahinta ee Adeegyada Caafimaadka oo Hargeysa lagu Qabtay

$
0
0

Hargeysa-(Berberanews)-Tababar ku saabsan doorka warbaahintu ku leedahay hirgelinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, gaar ahaan kuwa caafimaadka, ayaa loo qabtay ilaa kontan xubnood oo isugu jiray suxufiyiin iyo hawlwadeenno ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.

Tababar hal maalin socday oo lagu qabtay maantahuteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, kana qaybgaleen suxufiyiin ka tirsan hawlwadeennada hay’adaha warbaahinta gudaha ee Hargeysa iyo Berbera, saraakiil iyo shaqaale ka socday goobaha caafimaadka Wasaaradda ee Wasaaraddu ku leedahay gobollada Maroodi-jeex iyo Saaxil iyo weliba wakiillo metalayey hay’adaha Qaramada Midoobay ka shaqeeya caafimaadka, waxa lagu falanqeeyey muhiimada adeegyada caafimaadku leeyihiin, baahiyaha caafimaad ee shacabka Somaliland qabaan, gaar ahaan kuwa baahiyaha gaarka ah leh sida tallaalada cudurrada dilaaga ah iyo doorka saxaafaddu ka qaadan karto in adeegyadaasi noqdaan qaar lagu guulaysto oo dadweynuhuna aragti midaysan ka leeyihiin.

DSC05979

Tababarka oo ay qabatay hay’adda HPA (Health Poverty Action) oo kaashanaysa Wasaaradda Caafimaadka iyo hay’adda UNICEF, waxa intii uu socday lagu siiyey ka qaybgalayaasha casharro ay ka mid yihiin kaalinta saxaafaddu ku leedahay ka-hortagga cudurrada halista iyo cidhib-tiroodka, wacyigelinta dadweynaha ee maalmaha talaalka caafimaadka iyo faa’iidada laga helayo. Waxa kaloo ka qaybgalayaashu soo bandhigeen doodo ay ku cabbireen ka midho-dhalinta qorshahan hirgelinta adeegyada caafimaadka loo marayo saxaafadda kala duwan.

Deeq Aw Cali Yuusuf oo ah sarkaal ka tirsan hay’adda HPA oo furitaankii kulanka ka hadlay, ayaa sheegay in ujeeddada tababarkan ay u qabteen tahay sidii suxufiyiinta hay’adaha warbaahinta loogu baraarujin lahaa ka qaybqaadashada arrimaha bulshada, gaar ahaan kuwa caafimaadka oo muhiimad wayn u leh shacabka. Waxaannu uga mahadceliyey ka qaybgalayaasha sida ay uga soo jawaabeen codsiyo ay u direen.

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cali Sheekh Cumar iyo Nadaxa wacyigelinta wasaaraddaasi Jaamac Yuusuf Ibraahim oo ka qaybqaatay bixinta casharrada, ayaa hadallo ay halkaasi ka jeediyeen waxay faahfaahin kaga bixiyeen hawlaha caafimaad ee wasaaraddoodu dalka u hayso iyo qorshayaasha u yaal la-dagaallanka iyo cidhibtirka cudurrada halista ah si shacabkeennu u noqdo mid ka fayow halisaha caafimaad-darro.

Digaaga Iyo uuska Xoolaha oo Loo Adeegsaday Gaasta Cuntada Lagu Karsado

$
0
0

Hargeysa(Berberanews)-Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Cabdi Aw Daahir Cali ayaa sheegay inay ku guulaysteen tamar laga dhalinayo digada iyo uuska xoolaha, taas oo haatanba laga isticmaalo dugsiga xanaanada xoolaha ee Sheekh.

Sidaana waxa shaaca ka qaaday Dr. Cabdi Aw Daahir Cali  wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland oo maanta u waramayay TV-ga Qaranka , isagoo  ku tilmaamay talaabadan mid lagaga hortagayo oo lagu dhimayo dhibaatada dhuxusha iyo goynta dhirtu ku hayso deegaanka dalka, waxaanu wasiirku xusay tijaabadan oo lagu guulaystay oo haatanba wax loogu kariyo dugsiga Xanaanada Xoolaha ee degmada Sheekh, isagoo intaasi ku daray in qaybta laabka ee dugsigu ku shaqeeyo tamarta laga dhaliyay uuska xoolaha iyo digada xoolaha oo isku dhafan lana kaydiyay.

 

Cabdi Aw Daahir isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “waa tijaabo runtii lagu guulaystay weeye imikana shaqaysa, waxa weeyaan digadii iyo uuskii inta laga shaqeeyo oo meel lagu guro la cabudhiyo, waxay soo saaraysaa gaas, taas oo wax lagu karsanayo oo imikaba ku shaqayso iskuulkii Sheekh, shaybaadhkii iyo noocyadii kale ee looga baahnaaba si fiican bay u hawlgashay tijaabadaasi waana ku guulaysanay, shalay baanu furnay mashruucaas, Isha Allaahu tacaala waxanu ku rajo waynahay in aanu degmooyinka iyo gobolada kalena gaadhsiino, waa guul wayn oo inoo suurogalinaya inaynu ka maarano dhirtii aynu jaraynay.

 

Cabdi Aw Daahir dhinaca kale waxa uu faahfaahin ka bixiyay qorshe cusub oo dhagax lagu dhigay, qaybo lagu kordhinayo dugsiga xanaanada xoolaha ee heer gobol ee magaalada Sheekh, taasi oo uu sheegay in maamulkiisa ay la wareegayaan bilaha soo socda, urur goboleedka IGAD kaasi oo horumarin ku samayn doona, waxaanu yidhi, “halkii shahaadada sare awal laga qaadan jiray Xanaanada Xoolaha ee dugsigaasi waxbarashadiisa dibloma waxa loo kordhin doonaa heer ka digriiga.” ayuu yidhi Dr. Cabdi Aw Daahir, wuxuuna ammaan u soo jeediyay xukuumadda uu ka tirsanayahay, isagoo ku amaanay siyaasada cusub ee ay ku dajisay in qorshahaasi la hirgaliyo iskaashiga buuxa ee urur goboleedka IGAD laga helay.

Dhakhaatiir Maleeshiyaan ah oo hawlgallo caafimaad ka fulinaya Somaliland

$
0
0

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen Xoog), ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Koox Dhakhaatiir ah oo ka socda dalka Maleesiya , kuwaas oo ujeedada socdaalka ay ku yimaadeen Somaliland uu salka ku hayo sidii hawlgalo dhinaca Caafimaad ku taxaluqa ay uga fulin lahaayeen dalka.

dhakhaatiir2

Dhakhaatiirtani waxay Wasiirka caafimaadka u gudbiyeen wasiirka Caafimaadka Dr Xuseen Xoog aqoonsigooda iyo hawlaha Caafimaad ee ay ka fulin doonaan Somaliland macluumaadka la xidhiidha u gudbiyay.

Wasiir Xuseen Xoog oo shalay xafiiskiisa ugu xog waramay qaar ka mid ah saxaafada ayaa sheegay in kooxdan dhakhaatiirta Maleesiya ka socda ay Somaliland wax kala qaban doonaan inay hawlgalo Caafimaad ku dabiibaan dadka Bukaanka ah, isla markana dhawr kun oo qof baadhitaan iyo daawayn caafimaad oo kala duwan fulin doonaan.

Wasiirku waxa uu intaa ku daray inay soo dhawaynayaan dhakhaatiirtan xukuumad ahaan iyo ka wasaarad ahaanba, waxaanu xusay in dalka Maleesiya yahay wadan Somaliland dhinacyo badan wax kala qabta marka loo eego ardayda badan ee Jaamacadaha dalkaasi wax ka barta iyo xidhiidhka ka dhexeeya labada dal. Waftigan ka socda KPJ group of hospital waxay ka kooban yihiin Mr MOHD KHARUDDIN iyo Mr ANUAR ADNAN waxay wadanka u yimaadeen in ay u kuur galaan xaalada caafiimaad ee wadanka waxaanay ogaadeen in ay jirto baahi guud oo loo qabo hormarka caafimaad sidaa darteed waxay ka hawl gali doonaan cusbitaalada wadanka iyaga oo kala shaqayn doona dhinacyada kala duwan sida: in ay soo tababaraan kalkaaliyayaal caafimaad oo lagu tababari doono Malaysia in ay soo diri doonaan visiting doctors kuwaas oo mudo joogi doona dalka ka qayb qaadan doono qaliinka bukaan jiifka ee kaladuwan iyo inay ka caawin doonaan wixii agab caafimaad ah ee loo baahan yahay.

Cunista Kalluunka Oo ka Hortagta Xanuunka Xiiqda (Asmada)

$
0
0

Copenhagen-(Berberanews)-Ka hortaga waxa uu ka fiican yahay Is-daweynta, waa murti ama weedh uu Isticmaalkeedu ku baahay dhinaca Caafimaadka. Waxa Dunidan aan ku noolahay ku soo batay Xanuunada jiitama ee loo caalwaayey, Sida Canser-ka Macaan-ka, xanuunada sigaarku sanbabada ku reebo, wadno xanuun-ka, Tuf-ta, Dhiig-karka iyo xanuuno kale. Haweenka Uurka lihi waa in ay ka feejignaadaan wax yaalaha ay cunayaan. Waxa la Ogaaday in cuntada ay cunto Qofka Dumarka ah ee Uurka lihi ay saamayn weyn ku yeelanayso caafimaadka ilmaheeda inta uu nool yahay oo dhan.

Cilmibaadhis cusub oo Khubaro Danish ahi ay sameeyeen ayaa muujinaysa, in cunista Dumarka uurka leh ee kalluunku ay ahmiyad weyn u leedahay halista ilmuhu ku qaadi karo cudurrada Xiiqda iyo Xasaasiyadda. Haddii hooyadu cunto kalluun badan, iyadoo raacaysa halbeegyada Khubaradaa Danish-ka ah, waxay xaaladdu u badan tahay, inay boqolkiiba 30 ku koobnaato halista ilmuhu ku qaadi karo cudurka Xiiqda, markuu 7 jir yahay, marka la barbardhigo hooyada uurka leh ee aan cunin kalluunka, ayuu yidhi Professor Sjurdur Frodi Olsen oo ka tirsan Machadka dawladda ee Serum.

Cilmibaadhis ballaadhan oo Khubaro Danish ahi Samaysay.
Tiro aan ka yarayn 70.000 oo dumar uur leh ayaa ka qaybqaatay cilmibaadhista, iyagoo buuxbuuxiyay shax-su’aaleed la xidhiidha cuntooyinka ay cunaan, taasoo socotay sannadihii u dhexeeyay 1996-2003.Tan iyo waagaas cilmibaadhayaasha ayaa la socday carruurta dhalatay, iyagoo hooyooyinka ka buuxinaya shax-su’aaleed la xidhiidha tusaale ahaan cudurrada diiwaangashan.

Arrintaasi waxay horseeday go’aan si fiican u qodobaysan oo la xidhiidha xidhiidha ka dhexeeya halista ilmuhu ugu jiro cudurrada Xiiqda iyo xasaasiyadda iyo cunitaanka hooyada ee kalluunka, intii ay uurka leedahay.
Kalluunka Shilis iyo ka Wayda ah labada
Cilmibaadhayaashu toos u garan maayaan, sababta cunista kalluunku uga hortegayso cudurka Xiiqda. Laakiin waxa jira aragtiyo la xidhiidha, in asidha duxda omega-3 ay saamayso qaar ka mid ah maadaddaha jidhka ee la dagaallama xanuunada, Badi asidha duxda omega-3 ayaa laga helaa kalluunka shilis, waana ay fiican tahay in la cuno. Laakiin maaha in la cuno xaddi badan, sidaas awgeed waxa ka sii fiican cunista kalluunka wayda ah ee aan shishlayn oo faaido badan laga helo.

Dumarka uurka leh qaarkood ayaa ka baqda cunista kalluunka oo maqlay, in kalluunka uu ku jiro curiyaha khatarta ah ee la yidhaahdo Merkuri. Laakiin arrintaasi waxay ku kooban tahay kalluunka wayn ee soodhka leh ama waranka dheer Afka ku leh (Swordfish).

Source: Danish Radio (DR)

By: Osman Abdillahi Sool…..Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com


Hay’adda PSI oo abaal-marinno caafimaad guddoonsiisay Farmasiyada Berbera.Video

Xarun Caafimaadka Haweenka U gaara oo laga Furay Hargeysa

$
0
0

Hargeysa (Berberanews)- Xarun caafimaad loo adeegsan doono qalabyo iyo aqoon casri ah si loogu badbaadiyo haweenka iyo carruurta yaryar, ayaa laga furay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Xaruntan caafimaad oo ay hirgelisay haweenay magaceeda la yidhaa Khadra Cali Cigaal oo ah aqoonyahannad wax ku soo baratay waddanka Ingiriiska, isla markaana shaqooyin sare oo ay ka haysay cusbitaallada ugu waaweyn ee dalkaasi ka doorbiday inay cilmigeeda uga faa’iidayso shacabkeeda, gaar ahaana inay u gargaarto haweenka uurka leh iyo carruurta dhalanaysa oo ay u keentay qalab iyo dawooyin tayo leh oo isticmaalkoodu ku cusub yihiin dalka.

DR KHADRA
Aqoonyahannad Khadra Cali Cigaal oo weriye ka tirsan Jamhuuriya xog-warran kula yeeshay xarun caafimaad ay u bixisay Egal Clinic oo ay ka samaysay xaafadda 150-ka ee degmada 26-ka June ee Hargeysa, waxay sheegtay inay ku dhalatay dalka Imaraadkaad Carabta, balse markii ay barbaartay tagtay waddanka Holland kadibna ay uga sii guurtay Ingiriiska, halkaas oo ay shahaadadeedii kowaad ku diyaarisay cilmiga maamulka cusbitaallada, digriigeedii labaadna ku qaadatay kalkaaliso caafimaad oo ay kaga shaqaysay cusbitaalka ugu wayn qaaradda Yurub ee Queun Elithebiet Hosbital qaybtiisa gargaarka culus, gaar ahaan waaxda kelyaha lagu beddelo, hase ahaatee ay mar kale ku laabatay jaamacadda oo shahaadada digriiga ka dhigatay umuliso, taas oo markii ay dhammaysay ay kaga shaqaysay cusbitaal la yidhaa Berham City Hosipital oo ah ka ugu wayn dhinaca dhalmada oo qiyaastii ilaa 8500 carruur ahi ku dhashaan sannadkii.

“Shaqo sarre markii aan gaadhay ee wixii aan khibrad u baahnaana aan helay ayaan go’aansaday in ay gaadhay waqtigii aan dalkayga Somaliland u soo guuri lahaa si aan u caawiyo dadkayga, gaar ahaan haweenka oo aan arkay dhibaato badani inay haysato. Markaa xaggaagii sannadkii hore ee 2012-kii ayaan bilaabay in aan qalabka cusbitaalka soo iibsado, anigoo hore sannadkii 2009-kii qiimeeyey meesha aan wax ka furi karo oo ila noqotay in magaalada u wayn dadka ugu badani joogaan tahay Hargeysa oo aan ka sameeyo xarun caafimaad, aniga oo weliba doortay in aan meel xaafad dhexdeed ah ka furo,” ayey tidhi Khadra Cali.

Aqoonyahan Khadra oo weriyuhu waydiiyey adeegyada ay doonayso inay bulshada u qabatay waxay ku jawaabtay, “Xarunta caafimaad waxaan u doortay in aan ka sameeyo meel xaafad ah si aanay dumarku u dareemin inay meel kale yimaadeen, qaab guri oo kalena waa loo sharraxay si ay ugu nafisaan oo kuwa dhalaana u seexdaan, waxaanna yaal qalabkii ugu dambeeyey si loo badbaadiyo hooyada iyo ilmahaba oo aannu dhignay qol walba, sidoo kale waxay noqonaysaa meel dhakhaatiir dumar ahi ka shaqeeyaan si loo caawiyo haweenka oo iyaguna aanay wax qajilaad iyo shaki ah u gelin oo ay si fiican u sheegan karaan dhibaatadooda. Maaha aniga oo keliya ee dhakhaatiir badan oo doonaya inay caawiyaan dumarka ayaa ka hawlgeli doona, kuwaas oo qaarkood muddo ilaa laba bilood kadib ah ka iman doona dalka Ingiriiska oo saddexdii biloodba ay joogi doonaan saddex dhakhtar oo takhasusyo kala duwan leh kadibna ay kuwa kale beddelaan, waxaanay inta ugu badani ka imanayaan cusbitaalkii aan ka shaqayn jiray oo aniga ayaa ka codsaday, iyagoo leh umulisooyin, dhakhaatiir, kuwa lafaha ama muruqyada iyo jidhka ka shaqeeya, dhakhaatiir carruureed iyo kalkaaliyayaalba way leeyihiin, waxaanna weliba ku jira hablo Soomaali ah oo haddii ay halkan yimaadaan aan garanayn meel ay wax ka bilaabaan.”
Waxa kale oo ay sharraxaad ka bixisay qalabka ay u isticmaalayso xarunta caafimaad ee ay furtay iyo weliba sida loo yarayn karo dhibaatooyinka inta badan hooyadu la kulanto waqtiga dhalmada, “Qalabkan aannu keenay oo aan dalka hore u ool oo casri ah, tusaale ahaan waxa dhacda in gabadh dhalaysa mararka qaarkood calooshu xannuunto oo ay moodo inay foolanayso, markaa mashiinku waxa uu soo saarayaa inay fool tahay iyo inuu yahay infakshan makaanka ka haya oo xannuun kale keenaya, sidaa darteed gabadhii laguma degdegayo in qalliin lagu sameeyo ama waxyaabo kale oo aanay u baahnayn lagu bilaabo. Waxa kale oo noo soo socda mashiinnada la geliyo ilmaha aan waqtigii uu ku dhalan lahaa gaadhin (dhicis) ama ka si caadi ah u dhashay ee xannuun hayo, kaas lagu badbaadiyo si aanay qabowga ugu dhiman.
Dhalmadu waa wax caadi ah ee maaha in laga dhigo xannuun oo kale, dhibaatada Somaliland ka jirta waxa weeye ma jiraan xarumo yaryar oo caafimaad (clinic centers) oo iyagu qofkay waxba ka qaban kariwaayaan u dira cusbitaal wayn, laakiin haddii meel waliba cusbitaal wayn noqoto khalado badan baa dhacaya. Dumarkuna haddii ay ogaan lahaayeen in laga hortagi kari lahaa dhibaatooyinka keenaya sida qalliinka oo kale haddii ilmaha si fiican loogula socon lahaa xarumahan kale oo aanay ka baqayn in la qali doono iyo in lagu degdego way ka badbaadi lahaayeen.
Adduunka wax waliba nidaam buu leeyahay uu ku socdo, markaa cusbitaalkii aan ka shaqaynayey nidaamkii uu dhalamada dumarka kaga shaqayn jiray ayuun baan anigu doonayaa in aan ku hawlgalo oo waxa ka mid ah; tusaale ahaan waa la sii ogaan karaa xaaladda gabadhu ku dhalayso ama in ay qalliin u baahan tahay iyo in kale, waa in qofka dumarka ah ee uurka leh laga baadho waxyaabaha ay u baahan tahay in laga eego, lana tix-raaco ilmo hore haddii ay dhashay qaabkii ay u dhashay, halkaas waxa laga ogaan karaa xaaladeedda oo dhan iyo waxyaabaha ay u baahan tahay in loo sii qabto, waxa kale oo jira dawooyin la siiyo dumarka marka hore oo ka ilaalinaya inay dhiig-baxdo markay dhasho ama inay gariirto umusha kadib.”
Ugu dambayn iyadoo ka jawaabaysay su’aal ahayd, ‘inta badan waxa la yidhaa dad dhakhaatiirta ahi dalka way u soo shaqo tagaan oo inay lacag ka urursadaan ayey u furtaan cusbitaallada, markaa adiga ujeeddadaada ma laga yabaa inay tahay sidii aad lacag u heli lahayd?
“Lacagtii aan qaadan jiray iyo ta aan qaadan lahaa haddii aan sii joogi lahaa cusbitaalkaan ka shaqaynayey weligay halkan ka helimaayo, laakiin waxaan u imi in aan dumarka caawiyo, balse halkaa (Ingiriiska) wuxuun baan noqonayaa shaqaale mar walba ka fikiraya shaqadiisa oo horumar ama inuu kor uun u sii socdo maalin walba doonaya si uu lacag badan u helo, kadibna inta aan dalkaygii Somaliland fasax ku imaado aan dadka uun caayo oo idhaahdo maxaa sidaa loo samaynwaayey? Waxayse ila noqotay in anigu aan u soo xidhxidho dalkii oo is idhaa maxaad qaban kartaa?
Ingiriiska saddexdii sannoba waxa la sameeyaa warbixin ku saabsan dhimashada, kadibna waxa ka soo baxay muddo saddex sanno ah in 7 dumar ahi ku dhinteen uur ama foosha kadib, markaasaa la yidhi side ayey toddoba dumar ahi u dhinteen waa laga hortigi kari lahaaye, aniguna waxaa qaadanwaayey in Somaliland tobankii dumar ah ee dhalayaba ay saddex dhintaan, inkasta oo qaddarka Ilaahay meesha yaal, laakiin sababta waa la yarayn karaa,” ayey Marwo Khadra Cali Cigaal kaga jawaabtay su’aashaasi weriyuhu waydiiyey.

Berberanews.com

Khatarta dawooyinka iyo waxyeelladooda, W/Q: Ridwaan Mubaarik Cabdi

$
0
0

Caafimaad-(Berberanewsw)-Waxaan naftayda iyo naftiinba la jeclaaday in aan idiin soo gubiyo qoraal gaaban oo aan isaga digayno waxyeelo aan u arkay in dhaxallkeedu yahay midho-xun laga dheefsan karro waxyeeladooda, taaso ay inoogu wacan tahay isticmaalka aan habooneyn ee ay da’yar badani yihiin kuwo u adeegsada dawooyinka qaar sifooyin akhaldan oo aan munaasib ku ahayn isticmaalkooda.

Dhibaatada jirta ayaa ah in dawooyinka qaar ay faceenu u qataan siyaabo kala duwan oo kabaxsan dariiqooyinkii saxda ahaa ay yihiin kuwo saameyn laxaad leh ku haysa saxadii caafimaad ee da’yar badan oo manta jeclaan lahaa in sidoodii hore ay ku soo noqdaan alle haku soo celiyee.

Ma xuma in naftaada aad saxadeeda ka taliso adigoo la tashanaya dhakhtar, mana ah wax dhib yar in aad horsed u ahaato waxyeelada xubnahaaga qaarkooda, laakinse waxa nasiib darro noqotay in aad tahay qof naftiisa aan ku kalsoonayan waayo hadaad kalsooni leedahay ismaad dhawaacdeen si aad u gaadho waxaad rabtay adigoo ay kaa daahan tahay waxyeelada aad isku geysanaysaa.

Aqoon daridu maaha adigoon waxba aqoon ee waa adigoo u haysta shay si aanu ahayn waayo waxaad rabtaa inaad raali geliso naftaada si aad u hesho xasilooni iyo jidh kaamil ah oo isku dhan, adigoo adeegsanaya dawooyin aan kugu habooneyn una adeegsanaya sifo aan habooneyn.

Intaynaan daawooyinkaa ugudo gelin waxaan si kooban irbad caradeed isaga iftiimin doonaa daawo iyo waxay tahay iyo laba qaybood ee asal ahaan ay yihiin dawooyinku intaa waxaan ka madhnaan doonin dhibta ay leeyihiin ku xad-gudubkoodu.

Waa maxay daawo?

Daawo waa isku tag kimikeed oo ka kooban qaad-dhismeed leh hadba xanuunkeenaha loo isticmalaya sida uu yahay iyo wajiga uu leeyahay taaso bedesha qaad difaaceedkii hab-dhiska difaaca jidhka.

Isbedelka ay daawadu abuurto ayaa noqon kara xalka keliya ee lagaga hortagi karo ama layskaga daaweyn karo xanuunada iyo waxa keenan, taasina waa mid isugu soo biyo-shubanaysa in shaqada daawadu ay noqoto laba arrimood mid uun oo kala ah;

  1. Mid loo isticmaalayo xanuun baabiye ahaan <Antipain>
  2. Mid loo isticmaalayo in lagu burburiyo xanuunkeenayaasha <Antibiotic>

 

Hadaan si kooban u soo kala qaadano inagoo shaxar kooban midkiiba ka bixinayna

  1. 1.         Mid loo isticmaalayo xanuun baabiye ahaan <Antipain>

Xanuun baaabiyuhu waa isku dhis kimikeed oo ka kooban 2-20 animo acid oo isku haysta dabaro kala duwan oo ka kooban hal ilaa afar dabaro iyagoo isku haysta qaad shabeg oo kale, Bakteeriyadan loo isticmaalo in laga sameeyo dawooyinka xanuun baabiyaha  ayaa ah mid daqad ahaan lagu tiriyo dabaqada Genus oo ah  astaan ay wadaagan bakteeriyada qaarkooda loona nisbeeyo in ay yihiin laan dheerayaasha bakteeriyada marka laga yimaado family< qoysaska  bakeeroyadu ka kooban tahay>

Waa daawooyin waxqabadkoodu yahay in loo isticmaalo xanuunada ka yimaada maxsuulada ka soo baxa hab dhiska shaqo ahaneed kuwaasoo ka dhasha fulinta shaqo gaar ahaneed ee ay qabtaan hab-dhiska –difaaca jidhku. Waxaan shaki ku jirin in xanuun kasta oo ku asiibaa uu yahay mid kugu abuura kaar iyo xumad kasoo baxda jidhka gebi ahaantiiba amaba meelo gaar ahba  taaso ay keento mudada ay difaaca jidhkeenu ku gudo jiraan ogaanshiyaha xanuunkeenaha iyo burburintiisa oo la soo daayo dheecano heegan lagu gelinaayo difaaca jidhka iyo kuwo xanuunkeenayaasha lagu dabar jaraayaba.

Qaab dhismeedka kimikeed ee ay ka kooban yihiin xanuun baabiyayaashu waa kuwo isku haysta qaad silsiladeed ahaan oo ay adag tahay sida logu soo kooba, lakinse ujeedadaydu waxay tahay in aan irbad carded ka iftiimiyo waxay yihiin xanuun baabiyayashu iyo in waxqabad koodu yahay mid inta badan loo isticmaalo kaar jabin siday shaqadoodu tahay. Kaar jabiyayasha waxa loo qaybiyaa dhawr nooc iyagoo loo eegayo hadba heerka ay taagan tahay xumado iyo nooca ay xumado tahay labadaba.

Isticmaalka xad-dhaafka ah ee kaar jabiyayashu waa kuwo abuura waxyeelooyin raad kaga taga xubnaheena qaarkood, waxaana caado noqtay in dadkeenu ay qabtimeen  dawooyinkan  sida daruuriyaadka oo kale, dawooyinka ugu badan ee aynu isticmaalnaa waa kuwo bar bilow ka ah inta badan xanuunada laga cawdo ee ku dhaca beerka iyo kelyaha.

Dawooyinkaasna waxa ka mid ah;

Paracetamol, Diclopar, Diclofanac.

Sedexdan kiniin ba waa kuwo loo isticmaalo kaar jabiyayaal, noocyo ka mid ah madax xanuunka, xubno garaaca iyo ilko xanuunka, isticmaalka joogtada ah ee xanuun biyayaashan ayaa ah mid raad kaga tagta xubnaheena, waxaaana ka mid ah;

ü  Isticmaalka xad-dhaafka ah ee dawooyinkani waa kuwo kordhiya dhaawaca ku imaada xubnaha dheecanka ee caloosha soona daaya dheecanada wax dheefshiida ee laga helo afka hore ee mindhicirka yar taasina ay keeni karto dhiig ku sameysma caloosha iyo mindhicirad dhexdooda.

ü  Inay dhawaac gaadhsiyaan xubnaha gaarka ah ee beerka iyo kelyaha, taaso laga yaabo inay ka dhalato sumow aan ka imanayn dhinaca daawada laakinse ay keenayso burburinta xaad-dhaafka ah ee daawda  iyadoo markasta loo isticmaalayo dheecanada wax dheefshiida ee afka qalaad lagu yidhaahdo loona soo gaabiyo  NAPQI<N-acetyl-p-benzoquinoneimine>

ü  Xanuun baabiyaashani waa kuwa ugu saameynta badan ee hawl gabka ka dhiga beerka taaso ay sababto abuurida suntan ka dhalata burbruinta dawooyinkan oo la yidhaahdo afka qalaad <Hepototoxicity> kaasoo ah sumowga ugu cansan ee sababa xanuunada ku dhaca beerka.

  1. 2.       Mid loo isticmaalayo in lagu burburiyo xanuunkeenayaasha <Antibiotic>

Daawooyinkan loo yaqaano antibiotics ama antibacterial<lidka bakteeriyada> waa daawooyin loo isticmaalo in lagu daaweeyo cudurada ay keenana bakteeriyadu si loo xakameeyo cudurada ya keenayso ama loo dabar jaro sida xanuunada xabada, jabtida iyo TB.

Ka hor intaanay bakteeriyadani tarmin muujina wax astaamo ah waxa burburya habdhiska difaaceena laakinse hadii bakteeriyadani ka badato xadigeeedii hore ama la wada burburin kari-waayo waxa markaa loo baahanayaa kalkaaliyayaal lid bakteeriya ah oo kaaba hab dhiska difaaceena. Hadaba noocyada lidka bakteeriyada ayaa ah mid loo isticmaalo marxalado kala duwan iyadoo loo eegayo hadba nooca ya bakteeriyadu tahay, mudada ay qaadanayso in bakteeriyadaa la burburiyo iyo nooca xanuunka  ay keento.

Lidka bakteeriyadu waa dawooyin waxtarkoodu ka yar yahay faa’iidadooda hadii aanay jirin wax dhakhtar ah oo lala tashaday, hadaan ku dhaafno dawooyinka lidka bakteeriyada iyadoo uu adeegsigeedu uu yahay mid loo isticmaalo siyaabo badan oo aan lasoo koobi karayn waxa isweydiin muddan maxay yihiin waxyeeladoodu hadii la dhaafiyo ama lagu talax tago isticmaalkooda dhakhtar la’aan?

Hadaan si kooban ugu muujino waxyeeladooda shaxankan waxay tahay;

Abla-ablaynta lidka bakteeriya(antibiotics) Noocyada lidka-bakteeriyada Saameyntay geestaan
Penicillin Penicillin, amoxicillin, amoxicillin-clavulanate, ampicillin, oxacillin iyo kuwo kaloo badan oo ka mid ah noocyadan antibiotic.  Bog-xanuun, matag yilaalugo wata iyo xasaasiyad.
 
Cephalosporius Cephalexine, ceftriaxone, cefuroxime, cefixime iyo kuwo kaloo badan oo ka tirsan noocyadan. Shuban iyo noocyo ks mid ah xasaasiyada ku dhacda meelo kala duwan oo ka mid ah xubnaheena.
Amino glycosides Gentamicine, tobramycin iyo kuwo kaloo badan oo ka tirsan noocyadan. Sumowga kelyaha ku imaada, dhagaha oo ay ka lumo maqalku
Tetracycline   Tetracycline, doxycycline,   minocycline, iyo kuwo kaloo badan oo ka tirsan noocyadan. Shuban, yilaaligo, bog-xanuun, beer sumow, iyo ilkaha oo ay ka lumaan dheehoodu.
 
Quinolones Ciprofloxine <cipro>, levofloxacine, moxifloxacine, ofloxine Hurdo la’aan,  madax xanuun, iyo shuban.
Sulfonamide Sulfamathoxazole, erythromycin, sulfadiazian Hindhiso fara badan, shuban , madax xanuun.
       

 

Hadaba hadii radadkani ahaadaan kuwo ay sii jirto waxyeladoodu waxa ka dhasha;

ü  Isticmaalka lidka-bakteeriyada kuwooda loo yaqaano amoxicillin- clavulanate, ampicillin, iyo cefixime iyo kuwo lakaloo badan oo ka mid ah kooxdan waa dawooyin saameyntoodu noqoto in ay keenan shuban xadhaaf ah oo loo dhiman karo.

ü  Halka ay kuwo  kale oo ka mid ah dawooyinkan ay caawiyaan koritaanka iyo taranka bakteeriyada qaarkood oo khatar badan keentana noocyo kamid ah infakshan<infection> waxaana bakteeriyadaa afka qalaad loo aqanaa <Clostridium dificile>

ü  Dhinaca kale dawooyinkani waa kuwo saameyn ku yeesha macdanta dumarka , taasoo ugu danbeyn ay ku keento  infakshan<infection> ilaa inta ay joojinayso ama ay dhakhtar la tashanayso.

Hadaan inta ku soo gunaanadno labada qaybood ee daawooyinka intooda badan loo qaybiyo iyo waxyeeladooda, taas oo aan u arkay inay muhiin tahay in aan isaga digtaan waayo waxyeelada ku gaadhaa waa mid damqashadeedu markasta ay nagu mudan tahay.  Waxaan walaalahayga soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan uga digayaa isticmaalida dawooyinka aan habooneyn in loo isticmaalo sifooyin kale ama aanad kala tashay wax dhakhtar ah.

Waxa hubaal ah in dawooyinka qaarkood ee ay da’yar badani isticmalaan ay yihiin mid ay sii kordhayaan waxyeeladoodu  kuna wayeen shababnimadoodii , waana wax laga damqado oo saameynteedu inaga maqan tahay, dawooyinkan waxa ka mid ah daawada ugu isticmaal badan ee ay dhalinteenu isku naaxiso mar ka kaga yimaado big-power, 9 vitamin.

Daawadana  waxa la yidhaahdaa Dexamethasone ;

Waa isku dhis kimikeed  oo laga sameeyo dheecan laga soo tuujiyey qanjidho laga dul helo kelyaha dushooda ama xaadh yar oo dahaadh u ah qanjidhaka  kelida laga dul helo sida ay yidhaahdeen culimo ku xeel dheer shaybaadhka dawooyinka. Waa daawo loo isticmaalo in lagu daaweeyo xasaasiyad , noocyo kamid ah xiiqda iyo xanuuni kale , waana daawo ay ku jirto hurdo yar kana kooban dhawr dawooyin oo isku jira.

Hadaba maxay tahay raadaynta ay inagu hayso;

ü  In uu hawl gab noqdo hab-dhiska dheefshiidku waxaanu ugu danbeynta keena nabar ku saameysma caloosha.

ü  Isticmaalka xad-dhaafka ah ee dawooyinkani waxay keenan in ay yaraato qarada laftu leedahay taaso ugu danbeyn keena cudurada ku dhaca lafaha ee la yidhaahdo Osteoporosis.

ü  Waxay waxyeeleysaa nidaamka wax burburinta ee macdanaha , waxayna ugu danbeynta keentaa in ay kugu bataan macdanaha qaarkood sida milxda, calcium , potassium  jidhkeena kuna keeni karaan xanuuno aanu ugu dayacnaan karno sokorowga.

ü  Waxaa ka dhasha inay waxyeelaan  hab-dhaqanka nafsi ahaaneed , taaso ka dhalata cadaadis badan oo ay daawadu ku abuurto maskaxda iyo madax xanuun badan.

ü  Ugu danbeyntii waxay dawooyinkani sababan cadaadis ku imaada dareeraha isha iyo wareegooda. Waxaanay sababan caadka isha ku sameysma.

Guntii iyo gebo-gabadii waxaan qoraalkaygan gaaban kusoo af meerayaa qodobadan aan u arkay inay dhibaatooyinkan u noqon karaan;

ü  Iska ilaali inaad dawooyinka u isticmaasho si xad-dhaaf ah adigoon dhakhtar la tashan ama aanad aqoon u lahayn.

ü  Iska ilaali in aad  hubsiimo dari ku geyso daawo aanad garanayn wax loo isticmaalo adigoon ka dayaya ujeedooyin kale.

ü  Iska ilaali in aad la isticmaasho qof daawo  aan khuseyn xanuunkaaga ama marxaladaada caafimaad.

ü  Iska jir inaad jidhkaaga  ka dhigto mid la qabatimay daawooyinka waayo waxaad ka dhaxli kartaa dhibaatooyin aanad ka soo waaqsanayn.

ü  Ka digtoonow inaad noqoto qof u nugul daawooyinka waayo markasta shardi maah in aad isticmaasho daawooyin markaad xanuusato.

Tallada inta hadhay waxaan ugu tagayaa walalahayga qaaliga ah ee aan markasta sugayno fikirkooda waayo waxaa laga yabaa inaad iga cilmi badan tahay , iiga waayo-aragsan tahay ama aqoon dheeri ah aad u leedahay mawduucan aan ka hadlay waxyeeladiisa.

Allaa Mahad Leh…

 

 

W/Q: Ridwaan Mubaarik Cabdi

Email: ridwaan_99@hotmail.com

Qaliin lagu sameeyay wiil yar oo qaybtiisa danbe ee midhicirka uu ku samaysmay aadame u eeke

$
0
0

May-09-2013-Berberanews-(Caafimaadka)-Dr.Saleebaan Cabdi Guuleed ayaa ku guulaystay inuu qaliin ku sameeyo wiil yar oo qaybtiisa danbe ee midhicirka uu ku samaysmay aadame u eeke uu keeno xanuun la yidhaahdo Teratoma.

Ilmahan qaliinka lagu sameeyay oo sagaal bilood jiray ayaa waxa laga soo saaray aadame u eeke leh xubnoqalliin Cago,Gacmo,t imo iyo waliba qaab u eeg ilmo kale. Xanuunkan Teratoma ayaa ah mid la arko mar mar kooban isla markaasna ku samaysma inta badan midhicirka waxaana uu yeelan karaa ilko, gacmo, lugo iyo jidh u eeg ka aadmaha.

Dr.Saleebaan Cabdi Guuleed oo qaliinkan ku sameeyay cisbitaalka Gargaar, oo ah cisbitaal casri ah, oo wargeyska Geeska Afrika u waramay qaliinkaas ka dib  ayaa sheegay in qaliinkaasu uu qaatay wakhti kooban, isla markaasna ay ilmahaas kaga soo saareen ilme u eekahan xanuunku uu keenay, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “ Marka qaliin ahaan loo eego wakhti badan nagumuu qaadan ilaa saacad ayaanu qaliinkan wadnay. xanuunkan waa mid inta badan la arko oo dhaca laakiin xubnaha taranka iyo uur ku jirta ayaa lagu arkaa, waxaanu kaga jiray ilmahan midhicirka dhabarkiisa, sagaalkan bilood ee uu ilmahu jirayba waa uu ku sii koraayay oo waa uu ku sii balaadhanaayay, waa la arkaa inta badan xanuunkan laakiin tirada dadka lagu arko ayaa aad u yar.”

Ilmahan sagaalka bilood jiray ee qaliinka lagu sameeyay ayaa ay  xaaladiisa caafimaad wanaagsanayd, ka dib qaliinkaas waxaana haatan wali ilmahaas waalidiintiisu ay ku hayaan cisbitaalka Gargaar ee magaalada Hargeysa.

Qaramada Midoobay oo soo bandhigtay heerka Tacaddiyada lagu hayo Carruurta Soomaalida

$
0
0

New York(Berberanews):- Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaadday in tirada Carruurta ku dhimata, ama ku naafowda, dagaallada Soomaaliya, isla markaana lagula kaco tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqdooda ay kala badh hoos u dhacday afartii bilood ee ugu horreysay sannadkan 2013.120221124603_somalia_boy_fighters_al_shbab_304x171_humanrightwatch_nocredit

Qaramada Midoobay waxay la xidhiidhiyeen hoos u dhacan inay sabab u tahay dagaallada fool-ka-foolka ah oo yaraaday. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki- moon oo warbixin u gudbinayay Golaha Ammaanka, ayaa sheegay inay xaqijiyeen tacaddiyo ka dhan ah carruurta oo gaadhaya 525 intii u dhexeysay bilihii Jannaayo iyo Maarso ee sanadkan.

Tiradan ayaa aad uga yar tacaddiyada loo geystay carruurta sannadkii la soo dhaafay oo tiradaasi ay ahayd 1288. Saddex meelood laba meel oo ka mid ah tacaddiyada ka dhanka ah carruurta waxaa geystay kooxda Al-Shabaab oo gacan saar la leh kooxda Al-Qaacida , iyadoo tacaddiyada intooda kale ay geysteen ciidammada xoogga dalka ee Soomaaliya.

Ban Ki_Moon ayaa warbixiinta ku sheegay in hoos u dhaca uu ku yimid tirada dhaawaca carruurta iyo diiwangelinta oo ay yaraadeen maaddaama oo dagaallada fool-ka-foolka ah ee u dhexeeya Al-Shabaab iyo cidammada ay aad u yaraadeen, balse waxaa uu sheegay in dhacdooyinka afduubka ay gadheen heer aad looga welwelo.

Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in 37 carruur ah la dilay, 63 ay nafoobeen , 219 in lo diiwangeliyay in ay ka qayb qaataan dagaallada, 19-na lagula kacay xadgudub galmo ah, 205 in la afduubay iyadoo sidoo kale toddoba weerar lagu qaaday iskoollada iyo weerar lagu qaaday isbitaal.

Warbixinta ayaa waxaa sido kale lagu sheegay in cidammada dawladda ay ku gudo jiraan in ay ku wareejiyaan hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan carruurta ee UNICEF 41 carruur ah. Sidoo kale Qaramada Midoobay waxay sheegtay in ay kala shaqeyneyso dawladda Soomaaliya sidi loo joojin lahaa carruurta la qoro in ay ka qayb qaataan dagaallada, in la dilo ama ay naafoobaan.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.

Viewing all 121 articles
Browse latest View live